SHARE

Garsoore Chile Eboe-Osuji oo dhalasho ahaan ka soo jeedo dalka Nigeriya ayaa loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha maxkamada caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.
Waxaa uu xilkaasi haynaya muddo 3 sano ah.
Xaakinkan ayaa dhageystay dacwado la xiriiray rabashadihii wadanka ka dhacay sanadkii 2007-dii ee ka dhanka ahaa madaxweyne ku xigeenka wadanka Ruto iyo Joshua Arap Sang.
Waxaa uu xilkaasi kala wareegaya garsoore Silvia Fernández de Gurmendi oo muddo xileedkiisi uu dhamaaday.