SHARE

Waxaa maxkamada racfaanka ee dalka la geeyay in ka badan 30 kiis oo la xiriira go’aamadi ay soo saartay maxkamada sare ee ku aadanaa muran ka dhashay doorashadii guud ee sanadkii hore.
Laamaha kala duwan ee maxkamada sare ayaa ayiday guushii xildhibaanada qaar halka kuwa kalena daaqada laga tuuray.
Musharaxiintii maxkamada sare dacwadaha geeyay ee aanan ku qancin go’aankii ka soo baxay ayaa tagay maxkamada racfaanka ee dalka.
Ismaamulka Nairobi waxaa maanta bilowday dhageysiga in ka badan 10 kiis oo racfaan ah.
Waxaa uu dastuurka wadanka u degsan dhigaya in maxkamada laga doonaya in dacwadaha la xiriira doorashooyinka ay ku soo gabagabeyaan 6 bilood gudahood.