SHARE

Kooxo burcad ah oo hubaysan ayaa waxaa ay dhac u gaysatay bankiga Habib ee ku dhaw wadada Koinange ee magaalada Nairobi.
Burcada ayaa la sheegay in ay gudaha ugaleen bankiga waxaa ayna galeen waqti aan la ogayn.
Burcadani hubaysneyd ayaa hore usii qaatay lacag lagu qiyaasay 12 millyan in kastoo maamulka bankigaasi oo faah faahin ka bnixinin lacagta la dhacay.
Caamerada qarsoon ee CCTV-da oo dib loo raacay ayaa la sheegay in tuukadaasi ay ka soo galeen qeybta dambe ee bankiga.
Taliyaha booliska Nairobi Joseph Ole Tito ayaa sheegay in baaritaano lagu bilaabay burcadii dhacday bankiga Habiib ee magaaladatan Nairobi.