SHARE

Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa sheegay in uu qudhiisa 2014-kii bixiyay amar ah in la soo rido diyaarad rakaab oo laga leeyahay Turkiga kadib markii lagu wargeliyay inay jirto khatar dhanka amniga ah.
Waxaa uu ka dhawajiyay in sarakiisha amaanka ay u sheegeen in diyardaasi ay siday bam lagu qarxin lahaa ciyaarihii olimbikada ee ka dhacayay magaalada Sochi ee dalkaasi
Waxaa arrintan shaaca looga qaaday Filim soconaya muddo 2 saacadood ah oo la soo geliyay intarneetka kaasi oo loogu magacdaray Putin.
Muuqaalkaasi ayaa waxaa qeyb ka ah in diyaaradda ay ka timid Ukrain, una socotay Turkiga, balse lasoo afduubay si loogu adeegsado qarax la damacsanaa in lala eegto dadkii isugu soo baxay cayaarihii olimbikada.
Hasa ahaate waxaa uu intaasi ku daray in daqiiqo kadib lasoo wacay oo lagu wargeliyay in xogta la siiyay ay ahayd mid been abuur ah .
Diyaaradaasi oo ahayd Pegasus Airlines Boeing 737-800 ayaa waxaa saarnaa 110 qof oo shacab ah iyadoo duuliyayaashii hagayay ay soo tabiyeen in qof ka mid ah rakaabka uu bam wato.