SHARE

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa ka digtay in Maraykanku uu soo faragashanayo hadii ay golaha amaanka ee UN-ka ku guuldaraystaan weerarada laga geysanayo bariga Ghouta ee wadanka Suuriya.
Maraykanka ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay ay si degdeg ah u joojiyaan dagaalada ka socda magaalada Dimishiq ee Ghouta, halkaas oo ciidamada Bashar al-Assad oo garabsanayaa ciidamada Ruushka iyo Iiraan ay duqaymo xoog leh ka wadaan bariga dalka Suuriya.
Ciidamada Bashar Al Assad iyo ciidamada kale ee taagerayaa ayaa sheegay in ay bartilmamedsanayaan kooxaha arragagixisada ee ku sugan bariga Ghouta ee dalka Suuriya.
Dhanka kale Ugu yaraan 42 qof ayaa lagu dilay magaalada Gacanka waqooyiga ee Suuriya iyada oo ciidamada dawladdu Suuriya ay sii wadaan duulaan ka dhan ah kooxaha loogu yeero arrgagixisada.