Mulkiilayaasha mataatuuda oo ka soo horjeestay amar ka soo baxay NTSA

Guddoomiyaha ururka ay ku bahobeen mulkiilayaasha mataatuuda ee Simoni Kimutai ayaa sheegay inay ka soo horjedaan arrin uu dhawaan shaaca ka qaaday maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA.
Maamulkan ayaa sheegay in laga bilaabo maanta la daahfuraya tababaro la siinaya wadayaasha baabuurta ay dadweynaha ku safraan.
Hasa ahaate Mr.Simon ayaa ku andacoonaya in howshaasi aanan cid kasta oo ay quseysa lagala tashan.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka ee NTSA ayaa dhanka kale sheegay in turxaan bixin hor leh lagu sameynaya dugsiyada laga barto kaxeyynta gawarida iyo wadayaasha baabuurta dadweynaha ee loo yaqaano PSVs.
NTSA ayaa sheegtay in howshan ay qeyb ka noqonayaan sarakiisha NTSA, ciidamada wadooyinka ee loo yaqaano taraafikada iyo wasaradaha arrimaha gudaha iyo gaadiidka.
Waxaa looga gol leeyahay in meesha laga saaro xarumaha ku howlgalaya sida sharci darada ah.
Agaasimaha maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka wadooyinka Francis Meja ayaa sheegay in wadayasha baabuurta dadweynaha ay ku safraan oo la turxaan bixiyo ay horseedeysa in loo hoggaansamo shuruucda wadooyinka.
Waxaa uu wacad ku maray in shirkad baabuur oo kasta oo aanan u hoggaansamin shuruucda lagala laabanaya shahaadadii lagu diiwangeliayy.
Mr. Meja ayaa ujeedada laga leeyahay turxaan bixinta ku sheegay in la yareeyo ugu dambeyna meesha laga saaro shilalka wadooyinka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *