SHARE

Abaanduulaha ciidamada booliska Joseph Boinett, agaasimaha waaxda dambi baarista George Kinoti iyo madaxa waaxda socdaalka ee dalka Gordon Kihalangwa aya laga doonaya inay maxkamada ka soo hormuuqdaan.
Garsoore Luka Kimaru oo ka howlgalo maxkamada sare ee dalka ayaa amarkaasi soo saaray si mas’uuliyiintaasi ay faahfaahin uga bixiyaan sababta ay si sharci darro ah wadanka uga musafuriyeen siyaasiga Miguna Miguna.
Roselyn Nambuye oo ah xaakin ka howlgasho maxkamada racfaanka ayaa diiday inay meesha ka saarto amar looga soo horjeeday in sadaxdan sarkaal ay maxkamada hor tagaan.
Dowlada gaar ahaan madaxda amniga ayaa horay lagu dhaliilay inay sameyeen amar diido maxkamadeed kadib markii aysan geyn Miguna Miguna in kastoo sidaasi lagu amray.
15-kii bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii garsoore Kimaru uu waxba kama jiraan ka soo qaaday tallabadii Miguna Miguna wadanka looga tarxiilay.
Wasiirka arrimahada gudaha Dr.Matiang’I oo amarkaasi soo saaray ayaa dhankiisa sheegay in qareenkan oo wadanka sii joogo aysan ku jirin dan qaran.
In Miguna Miguna oo haysta jinsiyadda Canada la musaafuriyo ayaa waxaa keentay inuu dhaariyay hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga.