DHAGEYSO Mid ka mid ah waxgaradka Mandhera oo ku baaqay in lagu dadaalo midnimada shacabka

Maxamad Kahiye Cusmaan oo ku magacdheer Xaaji Buloow kana mid ah waxgaradka ismaamulka Mandhera ayaa sheegay inuu ku farxay oona soo dhaweynaya kulankii jimcihii dhex maray hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay in madaxda kale ee Nasa laga doonayo in ra’iisul wasaarihii hore ee dalka aysan ku dhaliilin tallabada uu qaaday.
Sido kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in cid kasta gaar ahaan madaxda siyaasadeed ay mas’uuliyad ka saarantahay inay dhinac isaga dhigaan farqiga ka dhexeya oo ay ka shaqeyaan midnimada wadanka.

Dhanka kale   Xaaji Buloow   ayaa shacabka ku nool  ismaamulka Wajeer  ugu baaqay inay soo afjaraan dagaalo beleedka xuduuda ku saleysan

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa soo dhaweeyay saaxibtinimada ay muujiyeen Raila Odinga iyo Uhuru Kenyatta.
Mr Guterres ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu tageeraya sida labada mas’uul ay u soo bandhigeen inay ka go’antahay mideynta kenyaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *