SHARE


Guddoomiyaasha maamul goboleedyada kala duwan ee dalka ayaa lagu wadaa in inta u dhexeysa 23-ka ilaa iyo 27-ka bisha afaraad ee sanadkan ay magaalada Kakamega ku yeeshaan shir diiradda lagu saari doono arrimaha dowlad wadaajinta.
Waxay doonayaan in waxyaabaha laga hadlaya ay noqdaan kuwo ku saleysan ajeenda maamulka talada haya ee jubilee.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka jubilee uu shanta sano ee soo socoto xooga saaraya afar arrimood oo kala ah cafimaadka, la dagaalanka cuna yarida, guriyeynta iyo wax soo saarka .
Hoggaamiyaasha ismaamulada ayaa sheegay in ka mira dhalinta waxyaabaha u qorsheysan dowlada dhexe ay ku xirantahay iskaashi kala dhexeya dowladaha maamul goboleedyada.
Guddoomiye ku xigeenka hoggaamiyaasha maamul goboleedyada sido kalena ah barasaabka Kirinyaga Ms Anne Waiguru ayaa sheegtay in ay ka shaqeyn doonaan sidii hormar looga gaari lahaa nidaamka dowlad wadaajinta.