SHARE

Prof Kivutha Kibwana oo ah guddoomiyaha xisbiga Wiper sido kalena ah hoggaamiyaha ismaamulka Makueni ayaa Raila Odinga ku dhaliilay kulankii uu la yeeshay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Kibwana ayaa tallabadii uu qaaday madaxa xisbiga ODM oo ka tirsan mucaaradka Nasa ku tilmaamay mid uu dan gaar ah ka lahaa maadama madaxda kale aysan shirkaasi ka qeyb gelin.
Mas’uulkan ayaa sheegay in Raila Odinga oo keligii la kulmay kadibna ay wadahadleen isaga iyo Uhuru Kenyatta ay ka dhigantahay inaan ra’iisul wasaarihii hore ee dalka lagu kalsoonaan Karin.
Prof Kibwana ayaa intaasi ku daray in xisbiga Wiper iyo Kalonzo Musyoka oo hoggaamiya ka ah ay ka qoomamoonayaan inay Raila Odinga 10 sano tagerayeen .
Hoggaamiyaha ismaamulka Makueni ayaa su’aal geliyay in la saadaalin karo mustaqbalka siyaasadeed ee Raila gaar ahaan inuu ka dhabeyn doono ballanqaadkii ahaa in 2022-ka uu qabashada talada dalka ku tageeraya Kalonzo Musyoka.