SHARE

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa sheegtay in ciidamada militariga ee wadanka Myanmar ay saldhighyo ka dhisanayaan tuulooyin la burburiyay oo ay deganayd bulshada Rohingya.
Warbixin ay hay’addan soo saartay ayaa lagu xusay in ciidamada amaanka ee dowlada Myanmar ay guriyo dhulka ku dareen iyagoo halkaasi ka bilaabay inay ka dhisaan ugu yaraan 3 saldhigyo ah.
Dhismahan ayaa ka socdo gobolka galbeed ee Rakhine oo ay ka barakaceen boqolaal kun oo ka mid ah jaaliyadda muslimiinta ah ee laga tirada badanyahay ee Rohingya .
Warbixinta ayaa waxaa qeyb ka ah in saldhiyada militariga dhismahoodu la soo bilaabay bishii jannaayo ee sanadkan.
Agaasimaha la tacaalidda dhibatooyinka ee hay’adda Amnesty Tirana Xassan ayaa sheegtay in waxyaabaha ka socdo gobolka Rakhine ay yihiin dhulka bulshada oo si baahsan loo boobaya.