SHARE

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa maanta oo talaado ah shaaca ka qaaday in shacabka Kenyaanka ah ee uu ka lumo aqoonsiga qaran ay bixin doonaan 100 shilin si loogu bedelo.
Agaasimaha waaxda qaran ee diiwangelinta Reuben Kimotho, ayaa sheegay in arrinkaasi uu dhaqangalaya 15-ka bishan maarso sanadka 2018-ka.
Hasa ahaate lacagtaasi lagama qaadi doono dadka aanan horay loo diiwangelinin.
Kimotho ayaa sarakiisha degaanada kala duwan u qaabilsan diiwangelinta ku booriyay inaysan lacagtaasi ku takriifalin maadama la isula xisaabtamaya.
Bishii shanaad ee sanadkii 2011-kii ayay ahayd markii dowlada ay soo saartay amar ah in 300 oo shilin lagu bixiyo qaadashada aqoonsi lumay in kastoo horay adeegaasi uu ahaa mid bilaash ah.
Hasa ahaate wasiirkii socdaalka ee xiligaasi Otieno Kajwang’, ayaa sheegay in qarashkaasi uu ahaa mid lagu doonayo in dadka sita aqoonsiga qaran ay dokumeentigaasi ilaaliyaan.
Hasa ahaate amarkaasi lama dhaqangelin oo waaxyaha diiwangelinta ayaa bilaabay inay si lacag la’aan ah ku soo saraan nuqulada aqoonsiga.