Laamaha amaanka ee Jarmalka oo heegan sare la geliyay

Ciidamada amaanka ee dalka Jarmalka ayaa heegan sare la geliyay kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay jiraan qorshayaal la doonayo in rabashado ay ka dhacaan xarumaha Turkiga ee wadankaasi gaar ahaan magalooyinka Berlin, Stuttgart iyo kuwo kale.
Wasaaradda arimaha gudaha ee Jarmalka ayaa bayaan ay soo saartay arrintan shaaca uga qaaday.
Tallabadan ayaa imaaneysa kadib markii maalmo ka hor uu dab burburiyay qeybo ka mid ah masaajid halkaasi ku yaala.
Sarakiisha waaxda dab damiska ayay galinkii hore ee axadii ku qaadatay in ka badan 90 daqiiqadood inay damiyaan dab qabsaday masjidka Koca Sinan ee magaalada Berlin.
Ciidamada booliska ayaa sheegaya in dhacdadaasi ay suura gal tahay inay xiriir la leedahay dibadbaxyo looga soo horjeedo howlgalada uu militariga Turkiga ka fulinaya waqooyiga Suuriya gaar ahaan degaanka Afrin.
Gudaha wadanka Jarmalka ayaa waxaa ku nool qiyaastii 3 milyan oo muslimiin ah.
Wasaaradda arriimaha gudaha ee Jarmalka ayaa dadka dibadbaxyada sameynaya ugu baaqay inaysan rabshado kicin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *