Maraykanka oo sheegay inuu Nigeriya ka taageeraya la dagaalanka Boko Haram

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa sheegay in xukuumada Washington ay dowlada Nigeriya si buuxda uga taageri doonto la dagaalanka kooxda Boko Xaram.
Waxaa uu si kulul u cambareeyay falkaasi lagu afduubtay gabdho dugsi dhiganayay.
Tillerson ayaa arrin niyad jab ah ku tilmaamay dhacdadii 110 gabdhood lagu kaxeystay.
Hadalkan ayuu jeediyay xili uu shalay tagay magaalada Abuja.
Rex Tillerson oo sii maray wadanka Chad ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxweyne Muxammadu Buhari,
Waxa uu sido kale soo maray Itoobiya,Djibouti iyo Kenya oo uu jimcihii yimid ka hor inta uusan shalay ka sii ambabixin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *