Qarax lala eegtay kolonyo baabuur ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha Falastiin

Waxaa qarax lala eegtay kolonyo baabuur ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha wadanka Falastiin Rami Xamdallah xili uu galayay Gaza .
Waxay wararku intaasi ku darayaan in 5 qof ay dhacdadaasi ka soo gareen dhaawacyo fudfudud
Waxaa uu qaraxa dhacay wax yar un kadib markii kolonyadaasi baabuurta ah ay ka soo gudbeen bar kontorool oo lagu magacaabo Beit Hanoun .
Hamdallah ayuusan wax dhaawac ah soo gaarin isagoo wax yar un kadib ka soo muuqday telefhisinka madaama uu xariga ka jarayay xarun lagu daweeyo biyaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *