WAR DEG DG AH Trump oo shaqada ka casilay Rex Tillerson

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilka ka qaaday xoghaya arrimaha Dibada Rex Tillerson waxaana lagu badalay agaasimaha laanta sirdoonka Mareykanka Mike Pompeo.
Madaxweyne Trump ayaa bogisa Twitarka ku soo qoray Mike Pompeo oo ah agaasimaha laanta sirdoonka ayaa noqonaya xoghayeheena cusub ee arrimaha Dibada, wuxuuna qaban doonaa shaqo wacan.
Trump ayaana qoraalkiisa raaciyay wuu ku mahadsan yahay Rex Tillerson shaqadiisa.
Madaxweyne Trump ayaa jimcadii aanu ka soo gudubnay Tillerson weydiyay inuu xafiiska baneyo, Sida laga sooxigtay Washington Post.

Tillerson ayaa joojiyay safarkiisa uu ku marayay Africa wuxuuna Dib ugu laabtay Washington, DC isagoona su’aal ka keenay mustaqbalkiisa xoghayaha arrimaha Dibada.
War saxaafadeed uu soo saaray talaadadii ayuu Trump ku sheegay inuu heshiis weyn la gaaray 14-kii bilood ee la soo dhaafay oo Tillerson ahaay diblomaasiga ugu sare.
Wuxuu intaas ku daray: “wxaan u rajeynayaa isga iyo qoyskiisa wanaag”
Madaxweyne Trump ayaana sidookale bogiisa twiterka ku sheegay kuxigeenka agaasimaha laanta sirdoonka Gina Hapsel ay badali doonta Mike Pompeo oo laga digay xoghayaha arrimaha Dibada Mareykanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *