SHARE

Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Wafula Chebukati ayaa difaacay tallabadii uu si ku meel gaar ah shaqada uga ceyriyay madaxii fulinta ee guddigaasi Ezra Chiloba.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Chiloba lagu qasbay inuusan shaqeyn muddo sadax bilood ah.
Mr. Chebukati ayaa sheegay in go’aankaasi uu horseedayo in baaritano dhameystiran la sameeyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in go’aanka uusan ahayn mid uu keligii qaatay hasa ahaate ay si aqlabiyad leh ay isugu raceen sarakiisha sar sare ee IEBC.
Mr Chiloba ayaa wajahaya baritaano la xiriira soo iibsasho uu guddigu sameeyay oo lagu tilmaamay mid aanan sida habbon loo sameyn.
Sarkaal ka tirsan guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada Paul Kurgat ayaa dhankiisa sheegay in Ezra Chiloba aanan si sharciga waafaqsan shaqada looga eryin.