SHARE

Macalimiinta dalka ayaa wacad ku maray inay shaqa joojin ku dhaqaqayaan hadii dowlada ay sii waddo isbedelada dhanka waxbarashada ah.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macalimiinta ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabis ah ku galay Wilson Sossion ayaa dowlada u qabtay 20 maalmood gudahood inay ku soo afjarto tallabada ay macalimiinta qaar uga wareejinayso dugsiyada ay wax ka dhigaan iyo sido kale nidaamka lagu qiimeynayo wax qabadkooda.
Labadaasi arrimood ayuu ku tilmaanay inay sharci darro yihiin oo ay dib u dhac ku keenayaan tayada tacliinta ee dalka.
Download gaar ahaan guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa horay u shaaciyay in macalinku uusan sagaal sano ka badan ka howlgeli Karin dugsi ku yaalo degaan uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Qorshahaasi ayay TSC ku micneysay inuu yahay in barayaasha lagu geynayo degaanada ismaamulada kala duwan ee dalka si loo sii xoojiyo isdhex galka kenyaanka.
Hasa ahaate macalimiinta ayaa arrinkaasi ka biya diiday halka Mr. Sossion uu sheegay inaan sida habboon loo dhaqangelin.
Xoghayaha ayaa xili uu ku sugnaa ismaamulka Homa Bay guddiga TSC dhanka kale ugu baaqay inuu dallacsiiyo barayaasha aqoontooda kororsaday.
Waxaa uu wacad ku maray in dugsiyada dowlada aanan bisha shanaad dib loo furi doonin hadii dowlada ay ka dhaga fureysato waxyaabaha ay u soo bandhigeen.
Waxaa uu intaasi ku daray inay maalinta dugsiyada la furayo ay ku baaqayaan shaqa joojin qaran.