SHARE

Madaxa fulinta ee shirkadda Facebook oo ka mid ah baraha ay bulshadu ku wada xiriirto Mark Zuckerberg ayaa lagu wadaa inuu maanta iyo berri ka soo hormuuqdo xubnaha aqalka senetka ee Maraykanka.
Waxaa la filaya inuu iska difaaco eedeymaha loo soo jeediyay shirkaddan sido kalena uu fikirkiisa ku biiriyo shuuruucda la doonayo in lagu xakameeyo aaladaha intarneetka.
Zuckerberg ayaa waxaa su’aalo weydiin doono guddi isku dhaf ah oo qaabilsan ganacsiga iyo arrimaha garsoorka.
Waxyaabaha lagu wado inuu sharaxaad ka bixiyo ayaa ah edeyn ah in dowlada Ruushka ay sanadkii 2016-kii Facebook u adeegsatay faragelintii doorashadii madaxtinimo ee Maraykanka.
Shirkadda bixiso adeegyada daatada iyo macluumaadka ee laga leeyahay Maraykanka ee Cambridge Analytica ayaa lagu eedeyay inay si aanan habbooneyn u isticmaashay macluumaadka 87 milyan oo qof oo Facebook-ga isticmaalo badankooduna ku nool Maraykanka.
Waxaa la isweydiinaya sida shirkadaasi ay ugu suura gashay inay xayeysiin u adeegsato macluumaadka Facebook-ga.
Senetarka ka tirsan aqalka sare ee Maraykanka Bill Nelson, ayaa sheegay inuusan ku raja weynayn in qodobo wax ku ool ah ay fadhigaasi ka soo baxaan.