SHARE

Waxaa maanta mar kale la filaya inuu maxkamada ka soo hormuuqdo eedeysane lagu magacaabo Waziri Benson Masubo oo loo haysto inuu khiyaanay qaar ka mid ah xildhibaanada dalka.
Waxaa lagu eedeyay inuu akoon been abuur ah ku furtay magaca wakiilka haweenka ee ismaamulka Murang’a Sabina Chege.
Horay ayaa maxkamada loo soo taagay waxaana ciidamada booliska lagu amray inay xabsiga ku sii hayaan .
Garsoore Francis Andayi ayaa amar ku bixiyay in Benson maanta la keeno maadama uu diiday inuu wax dambi ah geystay.
Waxyaabaha maxkamada loo sheegay waxaa ka mid ah in Mr Masubo uu isku dayay inuu lacag dhan 100,000 ka dhaco xildhibaankii hore eedegaanka Gem Jakoyo Midiwo.
Waxaa gacanta lagu soo dhigay maalmo kadib markii mudanayaasha baarlamaanka qaar ka mid ah ay walaac ka muujiyeen in si xeeladeysan hanti looga dhacay halka magacyadoodu loo adeegsaday in kenyaanka lagu khiyaano.
Agaasimaha waaxda dambi barista ee dalka George Kinoti ayaa sheegay in eedeysanahan oo la raadinayay laga soo qabtay Tanzania xili uu doonayay inuu u cararo dhanka Kongo.