SHARE

Toddobo ka mid ah ciidamada militariga wadanka Myanmar ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii lagu eedeyay inay dileen 10 qof oo rag ah oo ka tirsan bulshada laga tirada badanyahay ee Rohingya.
Dilkaasi ayay bishii sagalaad ee sanadkii hore ka geysteen gudaha gobolka Rakhine .
Bayaan ka soo baxay Militariga dalkaasi ayaa lagu sheegay in sarakiisha mid waliba uu xabsiga ku jirayo 10 sano.
Waxaa bayaanka qeyb ka ah inay socdaan dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah boolis iyo dad rayid ah oo lagu eedeyay inay ku lug lahayeen xasuuq ka dhan ah qowmiyadda Rohingya.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii dowlada Myanmar ay qiratay in ciidamadeeda ay geysteen xadgudubyo ka dhan ah muslimiinta laga Rohingya
Tan iyo 25-kii bishii sideedaad ee sanadkii hore waxaa Myanmar ka cararay oo dhanka wadanka dariska la ah ee Bangladesh u gudbay in ka badan 700,000 qof oo ka barakacay gobolka Rakhine halkaasi oo militariga ay ka bilabeen howlgalo.
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda howlgalada ciidamada militariga ee Myanmar ku tilmaantay isir sifeyn qaabeysan.