SHARE

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa ka baarandegaya inuu kenyaanka qurbaha ku nool fursad u siiyo inay qaab online ah ku codeyaan.
Wafula Chebukati, guddoomiyaha IEBC ayaa sheegay in nidaamkan uu fududeynayo in la yareeyo qarashaadka ku baxa howlaha doorashooyinka.
Hasa ahaate waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in hannaankaasi ay lagama maarmaan tahay inuu noqdo mid lagu kalsoonaan karo.
Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in qorshahan intaan la dhaqangelinin , guddigu uu wadatashi la sameynaya baarlamaanka iyo cid waliba oo ay si gaar ah u quseyso.
Ra’yi aruurin la sameeyay sanadkii hore ayaa lagu sheegay in qurba joogta kenyaanka ah badankoodu ay doorbidayaan inay qaab elektoronik ah codkooda ku diibtaan.
Sideed ka mid ah tobankii qof ee la wareystay ayaa codeynta online-ka ah soo dhaweeyay.