SHARE

Guddiga adeega macalimiinta ee TSC ayaa sheegay inuu howlgelinayo 88,000 oo macalimiin ah kadib markii shalay xildhibaanada aqalka baarlamaanka ay ansaxiyeen codsi ku aadanaa in arrinkaasi loo adeegsado 26 bilyan oo shilin.
Adduun lacageed oo gaaraya 16 biyan ayaa loo adeegsanayaa in la shaqaleysiiyo 68,000 oo barayaashaasi ka mid ah in kastoo weli ay macalinimada baranayaan.
TSC ayaa macalimiintaasi ku tilmaantay kuwo si tijaabo ah ku shaqeynaya inta ay ka soo dhameynayaan jaamacadaha ama machadyada halka 20-ka kun oo dheeraadka ah si joogta ah ay u shaqeynayaan iyadoo howlgelintooda lagu qarash gelinaya 10 bilyan oo shilin sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga tacliinta ee baarlamaanka Julius Melly.
Tallabada guddiga TSC uu macalimiintan ku shaqaleysiinayo ayaa ah mid lagu doonayo in lagu buuxiyo gaabadka jira ee dhanka barayaasha ah .
In kastoo wasaaradda maaliyadda looga fadhiyo inay ansaxiso soo saaridda lacagtaasi haddan waxaa guud ahan dalka loo baahanyahay in la shaqaleysiiyo 104,821 oo macalimiin ah.
Mr Melly iyo xubnaha guddiga uu hoggaamiyaha ka yahay ayaa sheegay inay ka go’antahay in caqabadda dhanka macalinimada ah la xaliyo.
Hadalkan ayuu jeediyay xili xubnaha guddigaasi ay la kulmeen wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Amina Maxamad iyo madaxa fulinta ee guddiga adeega macalimiinta ee TSC Nancy Macharia