SHARE

Madaxa fulinta ee guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Ezra Chiloba ayaa ku gacan seyray amar ka soo baxay guddiga oo lagu sheegay in si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay.
Mr Chiloba ayaa warqad uu u qoray guddoomiye ku xigeenka IEBC Consolata Maina, ku sheegay inuu walaac ka muujinayo nidaamkii loo soo maray inuu sadax bilood shaqeynin.
Mr Wafula Chebukati, oo ah guddoomiyaha guddiga IEBC oo uu amarkaasi ka soo baxay waxaa uu ku maqanyahay dalka Nigeriya.
Mr. Chiloba ayaa warqada uu gudbiyay ku sheegay inuusan diidin in shaqada uu dhinac uga istaago hasa ahaate uu rumeysanyahay inaan si cadaalad ah arrinkaasi loo wajahin.
Guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Wafula Chebukati ayaa horay u difaacay tallabadii uu si ku meel gaar ah shaqada uga ceyriyay madaxii fulinta ee guddigaasi Ezra Chiloba.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in Chiloba lagu qasbay inuusan shaqeyn muddo sadax bilood ah.
Mr. Chebukati ayaa sheegay in go’aankaasi uu horseedayo in baaritano dhameystiran la sameeyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in go’aanka uusan ahayn mid uu keligii qaatay hasa ahaate ay si aqlabiyad leh ay isugu raceen sarakiisha sar sare ee IEBC.
Mr Chiloba ayaa wajahaya baritaano la xiriira soo iibsasho uu guddigu sameeyay oo lagu tilmaamay mid aanan sida habbon loo sameyn.
Arrintan ayay wararku sheegayaan inay kala qeybsanaan ka dhax abuurtay guddiga doorashooyinka ee dalka.