SHARE

Hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ku saxiixay hindisa sharciyeed ku aaddan sida dowlada dhexe iyo ismaamulada ay u qeybsanayaan dakhliga soo xaroodo miisaaniyad sanadeedka 2018-2019-ka.
Sharcigan uu Mr. Kenyatta qalinka ku duugay ayaa ka dhigan in labada dowladood ay si siman u qeybsanayaan dhaqaalaha wadanka soo galo.
Qeybta 202-aad ee dastuurka dalka ayaa sido kale qeexeysa in maamul goboleedyada loo qoondeeyo lacago dheeraad ah oo ay siineyso dowlada sare.
Lacagahan ayaa noqon karo ku shuruudo lagu xirayo ama si shardi la’aan ah lagu bixinayo.
Hindisa sharciyeedka uu madaxweynaha meel mariyay ayaa waxaa u gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Justin Muturi waxaana markii la saxiixayay goob joog ka ahaa xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki, ku xigeenka karaaniga baarlamaanka James Njoroge Mwangi iyo mas’uuliyiin kale.
Dhanka kale dowlada ismaamulka Homa Bay ayaa shaqada ka ceyrisay 309 ka mid ah howlwadeenadeeda kadib markii la soo saaray warbixin baaritaano kadib lagu sheegay inaan sida habboon loo shaqaleysiin.
Waxaa warbixinta soo bandhigay guddi uu soo magacaabay hooggaamiyaha ismaamulkaasi Cyprian Awiti si gaar ahna u eegayay qarashaadka badan ee loo adeegsado musharaadka shaqaalaha Homa Bay.
Waxaa baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in sadax ka mid ah shaqalaha la ceyriyay aynan haysan warqado muujinaya in si rasmi ah loo howlgeliyay , 24 ka mid ah waxay isticmaleen saxiixyo laga shakiyay halka laba kalena ay adeegsadeen dokuumeentiyo been abuur ah.