SHARE

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa meesha ka saaray xayiraad dhanka safaradaha ah oo horay loogu soo rogay muwadiniinta wadanka Chad.
Arrintan ayaa timid kadib markii dowlada Maraykanka ay sameysay dib u eegis muddo lix bilood ah.
Aqalka cad ee xukuumada Washington looga arrimiyo ayaa sheegtay in dib u eegista lagu ogaaday inuu soo wanaagsanaaday amniga wadamada qaaradda Afrika gaar ahaan Chad.
Maamulka Trump ayaa bishii sagalaad ee sanadkii hore Chad ku daray liiska wadamada muwadiniintooda laga mamnuucay inay u safraan Maraykanka kadib markii dowlada dalkaasi lagu eedeyay inay ka gaabisay soo bandhigidda wax caddeymo ah oo muujinaya inay qaaday tallaboyin loogaga hortagayo in shaqsiyaadka lagu tuhmo argagixisada ay u safraan wadanka Maraykanka.
Waxaa illaa iyo hadda xayiraad dhanka safarada ah wajahaya muwadiniinta wadamada Iran, Libya, Syria, Yemen, Somalia, kuuriyada waqooyi iyo Venezuela .
Hasa ahaate shakhsiyaadka dhaliilsan siyaasadda Trump ayaa maamulkiisa ku eedeynaya inuu amarada dhanka safarada ah ku bartilmaameedsanayo dalalka Islaamka.