SHARE

Bangiga adduunka ee World Bank ayaa warbixin uu soo saaray uga digay in 12-ka sano ee soo socdo ugu yaraan 16 milyan oo kenyaan ah ay ku sii jiri karaan xaalad saboolnimo.
Waxaa ay tani su’aal gelinaysa ballan qaadkii dowlada ee ahaa in ugu dambeyn 2030-ka dhammaan noolosha shacabka ay noqonayso mid tayo ahaan wanaagsan.
Warbixinta bangiga adduunka ayaa lagu xusay in intii u dhexeysay 2005-tii ilaa iyo 2015-kii saboonimada ka jirta gudaha dalka ay hoos u dhacday boqolkiba 1.8.
Tirada guud ee shacabka dalka ayaa la saadalinaya in 12-ka sano ee nagu soo aaddan ay noqoto 65.4 milyan oo qof.
Khabiir sare oo ku taqasusay dhaqaalaha kana mid ah howlwadeenada bangig a adduunka Mr Allen Dennis aya sheegay in Kenya ay haatan haynin wadadii laga doonayay ee lagu dabar goynaya saboolnimada.