SHARE

Waxaa maanta dalka Algeria ka bilowday baroor diiq qaran oo qaadanaya sadax maalmood oo uu shalay ku dhawaaqay madaxweyne President Abdelcaziz Bouteflika kadib markii ay burburtay diyaarad militari oo ay ku dhinteen 257 qof.
Diyaaradda ayaa ku burburtay meel u dhow saldhigga cirka ee Boufarik oo ku yaalo duleedka caasimadda wadankaasi ee Algiers.
Shabakada maxaliga ee Algerie24, ayaa tabisay in diyaaradda ay ku wajahneyd magaalada galbeed ee Bechar.
Burburkan diyaaradeed ayaa noqonaya midkii ugu darnaa ee laga soo tabiyo Algeriya tan iyo sanadii 2003 –dii.
Waxaa xiligaasi burburtay diyaarad wax yar un kadib markii ay ka soo duushay magaalada Tamanrasset, waxaana dhacdadaasi ku dhintay 102 qof.
Waxaa la xaqiijiyay dhimashada dhammaan rakaabkii diyaaradda saarnaa.
Wasaaradda gaashandhigga ayaa tacsi u dirtay qoysaska ay ka baxeen dadkii shilka ku dhintay.
Dadka dhintay badankoodu waxay ahayeen ciidamadda dowlada oo ay wehelinayeen qoysaskoodu sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga.