SHARE

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Ruushka oo ahaa in xukuumada Moscow ay soo ridi doonto gantaalada uu Maraykanka sheegay inuu la beegsanaya Suuriya.
Trump ayaa bartiisa Twitarka soo dhigay qoraal ah in Ruushka laga doonayo inuu diyaar u noqdo gantaalo cusub oo ka dhan ah Suuriya.
Hoggaamiyaha ugu sareeya ee Maraykanka ayaa dhanka kale dowlada Ruushka ku dhaliilay inay garab siineyso maamulka madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.
Waxaa uu intaasi ku daray in Moscow aanan loo baahneyn inay saaxib la noqoto waxa uu ugu yeeray xayawaan shacabkiisa ku laynaya gaas hadana sida uu hadalka u dhigay ku faraxsan.
Qoraalka Trump waxaa sido kale qeyb ka ah in xiriirka kala dhexeyea Ruushka uu sii xumaaday marka la barbar dhigo sanadihii hore.
Hasa ahaate wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka Maria Zakharova ayaa durbaba ka jawaabtay qoraalka Trump.
Waxay sheegtay in gantaalada la doonayo in lagu tuuro argagixisada oo aanan lala eegan Suuriya.
Digniinta Trump ayaa imaaneysa iyadoo Maraykanka iyo qaar ka mid ah wadamada qaarada Yurub ay wacad ku mareen inay tallabo militari ka qaadayaan dowlada Suuriya iyo Ruushka oo tageeraya.
Download Suuriya oo garabsanaysa Ruushka ayaa lagu eedeyay inay magaalada Douma ka geystay weerar kiimiko loo adeegsaday in kastoo ay arrinkaasi iska fogeysay.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres aya dhankiisa ka qoomamooday in golaha amniga ee qaramada midoobay uusan ku heshiin tallabada xigta ee la qaadayo kadib weerar la sheegay in kiimiko loo isticmaalay.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu si dhow ula socday kulamada golaha amniga ee jimciyada qurumaha ka dhexeysa oo uusan ku faraxsanayn in dhibaatada dhacday aanan weli go’aan laga soo saarin.