SHARE

Xildhibaanada aqalka baarlamaanka ee dalka ayaa dowlada dhexe u soo jeeddiyay inay shaaca ka qaado in cudurka kansarka uu yahay musiibo qaran sidaa awgeedna la aas-aaso sanduuq lacageed oo lagula tacaalayo.
Mudanayaasha ayaa xili ay aragtidooda ku biirinayeen mooshin ay soo hor dhigtay wakiilka haweenka ee ismaamulka Laikipia Catherine Waruguru, sheegay in qarashaadka shacabka Kenyaanka ah kaga baxo daweynta cudurkan uu aad u sareeya in badan oo ka mid ahna aysan awoodin.
Ms Waruguru ayaa hoosta ka xariiqday inay tahay arrin laga qoomamoodo in cudurka kansarka uu galaaftay noolosha dad badan.
Waxay intaasi ku dartay dowlada oo shaaciso in kansarka uu yahay musiibo qaran inay abuureyso wacyi gelin ballaran sido kalena ay soo jiidaneyso deeq bixiyal gacan ka geysan karo la tacaalidda xanuunkan.
Waxyaabaha ay xildhibaanada tilmameen waxaa ka mid ah in isbitaalo faro ku tiris ah sida Nairobi ,Aga Khan iyo MP Shah inay leeyihiin qalabka ugu wanaagsan ee lagu daweeyo kansarka in kastoo bukaan badan aysan awood dhaqaale u hayn qarashaadka adeegaasi .
Xildhibaanka laga soo doortay degaan baarlamaneedka Nyatike Tom Odege ayaa dowlada ku dhaliilay inay ka gaabisay wax ka qabashada cudurkan.
Dhanka kale guddiga baarlamaanka ee PAC ayaa u yeeray guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC Wafula Chebukati si uu faahfaahin dhameystiran uga bixiyo tallabadii uu madaxa fulinta Ezra Chiloba si ku meel gaar ah shaqada uga ceyriyay.