SHARE

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa walaac ka muujisay in sanadkii 2017-kii ugu yaraan 1000 qof oo eedeysanayaal ah lagu fuliyay xukunada dilalka.
Waxay sheegtay in dilalkaasi laga geysto gudaha wadamada bariga dhexe in kastoo ay guud ahaan caalamka hoos u dhaceen xukunadaasi.
Warbixin ay maanta soo saartay ayay ku sheegtay in sanadkii hore 23 wadan laga fuliyay 993 dilalkaasi ay maxkamadaha go’aamiyeen ah.
Tiradan ayaa boqolkiba 4 hoos u dhacday markii la barbardhigo sanadkii ka sii horeeyay ee 2016-kii xiligaasi oo la diiwangeliyqay 3,117 kiis.
Wadamada Amnesty ay amaantay waxaa ka mid ah Kenya in kastoo loo soo jeediyay inay si dhameystiran meeshaq uga saarto xukunka dilka ah maadama tan iyo sanadii 1987-dii gudaha wadanka aanan laga fulin dilka noocaasi oo kale ah.
Wadamada sanadkii hore xukunada dilalka ah geeystay waxaa ka mid ah soomaaliya iyo suudaan.
Sido kale 2017-kii dowlada Gambiya aya saxiixday heshiis caalami ah oo ku saabsan inaan gudaha wadankaasi laga fulinayn xukun dil ah