SHARE

Waxaa maanta si kadis ah albaabada la isugu dhuftay jaamacadda Daystar ee magaaladatani Nairobi kadib maalmo ay ardayda dibadbaxyo sameynayeen.
Senetka jaamacadda ayaa maanta oo khamiis ah wareegto uu soo saaray ku sheegay in la xirayo laamaha jaamacaddasi ay ku leedahay magaalada Nairobi iyo Athi River oo ka tirsan ismaamulka Machakos.
Dhamman ardayda iyo shaqaalaha xarumahaasi ka howlgalayay ayaa lagu amray inay goobtaasi isaga baxaan.
Jaamacadda Daystar laanteeda Nairobi ayay xalay gudaha u galeen sarakiiol ka tirsan booliska iyagoo suntan dadka ka ilimeysiisa ku kala ceyriyay arday mudaharaadyo dhigayay.
Dibadbaxyada ayaa bilowday kadib markii uusan qabsoomin kulan la qorsheeyay inuu dhex maro hoggaamiyaasha ardayda iyo senetka jaamacadda si looga doodo warbixin laga soo saaray baaritaan ku saabsan maareynta maaliyadda.