SHARE

Maamulka dowlada dhexe u qaabilsan in xarumaha cafimaadka ee degaanada kala duwan la gaarsiiyo dawooyinka ee magiciisu loo soo gabiyo KEMSA ayaa iska fogeeyay inuu leeyahay mas’uuliyadda daawo dhacday ama mudada la isticmaali karo ay dhamaatay oo bishii Maarso lagu qabtay ismaamulka Nairobi.
Ku simaha madaxa fulinta ee maamulkan Fredrick Wanyonyi, ayaa sheegay in laba keliya oo ka mid ah waxyaabihii la qabtay uu maamulkaasi qeybiyay.
Ciidamada booliska iyo sarakiisha guddiga dawooyinka ayaa horay u sheegay inay baritaano ka sameyeen guri ku yaalo xaafadda Parklands, halkaasi oo lagu soo qabtay mashiino loo adeegsanayay in lagu bedelo taarikhda kama dambeyska ah ee ay dawooyinka la isticmaali karo.