SHARE

Madaxii hore ee cadaaladda dalka Willy Mutunga ayaa cambareeyay sidii loola macaamilay siyaasiga Miguna Miguna ka hor inta aanan markii labaad wadanka laga musafurinin.
Dr. Mutunga ayaa sheegay in arrinta Miguna la doonayay in la soo afjaro markii maxkamada ay go’aamisay inuu yahay muwaadin Kenyaan ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dhibateyntii loo geystay qareenka horay u shaaciyay inuu yahay taliyaha dhaqdhaqaaqa qaran ee NRM ay ahayd mid ka baxsan dareenka bani’aadanimo sido kalena sharci darro ah.
Dr. Mutunga ayaa sheegay in tallabadii laamaha amaanka ay kula kaceen siyaasiga loo tarxiilay magaalada Dubai ee imaraadka ay ahayd mid la dhibasado ,xanuuna leh.
Waxaa uu sido kale hoosta ka xariiqay inaan loo baahneyn doodaha ku saabsan Miguna iyo inuu Kenyaan yahay iyo in kale .