SHARE

Afhayeen u hadlay xukuumada Moscow ayaa ka jawaabay digiin uga timid hoggaamiyaha ugu sareeya ee Maraykanka Donald Trump oo ahayd inay u diyaar garobaan gantaalo lala beegsanaya suuriya.
Trump ayaa diginiintaasi soo saaray kadib markii shalay Moscow ay sheegtay inay soo rideyso gantaal uu Maraykanku leeyahay hadii lagu soo tuuro Suuriya.
Qoraal uu bartiisa Twitarka soo dhigay ayuu ku sheegay inuu sii xumaaday cilaqaadka kala dhexeya Ruushka.
Hasa ahaate Dimitri Peskov oo u hadlay Moscow ayaa carrabka ku adkeeyay inaysan ka qeyb qaadan dibloomaasiyadda twitarka loo adeegsado.