SHARE

Afhayeenka Kooxda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in weerar aroornimadii hore ee saaka ay ku qaadeen degmada Omari ee gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan lagu dilay 20 ka mid ah sarakiisha booliska ee dowladaasi .
Degamadaasi ayaa ka mid ahayd goobaha lagu tiriyo in amaankoodu uu suganyahay.
Dagaalyahanada ayaa halkaasi ku dilay gudoomiyihii degmada ay weerareen Cali Dost Shams ciidamadii ilaalinayay , 7 boolis ah iyo 5 sarkaal oo ka tirsanaa waaxda sirdoonka sida laga soo xigtay Ramazan Cali Mohseni, oo ah taliye ku xigeenka booliska gobolka Ghazni.
Waxa uu intaasi ku daray in Taliban ay sido kale dab qabadsiiyay xarunta dhexe ee maamulka degmadaasi.