SHARE

Amina Maxamad, wasirka wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa lagu wadaa inay maanta ka soo hormuuqato guddiyada waxbarashada ee baarlamaanka iyo aqalka sare ee senetka.
Waxaa su’aalo laga weydiin doonaa sida looga gudbi karo ismari waaga ka dhexeya dowlada iyo barayaasha jaamacadaha dalka ee ku saabsan mushaar kordhinta.
Sido kale xubnaha guddiyadaasi ayaa Amina uga fadhiya inay faahfaahin ka bixiso tallabada ay dowlada qaaday si loo soo afjaro shaqa joojinta 1-dii bishii hore ee Maarso ay ku dhaqaqeen barayaasha jaamacadaha dowlada.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii barayaasha ay ku gacan seyreen amar ka soo baxay maxkamada racfaanka oo ahaa inay shaqadooda dib ugu laabtaan.
16-kii bishii hore ayay maxkamada shaqaalaha go’aamisay in shaqa joojinta barayaasha ay sharci darro tahay hasa ahaate go’aankaasi meysan ku qancin waxayna dacwad ay uga soo horjeedaan geyeen maxkamada racfaanka in kastoo kiiskaasi la laalay.
Waxaa maanta guddiga waxbarashada ee baarlamaanka hor tagay sarakiil uu ka mid yahay xoghayaha guud ee ururka barayaasha jaamacadaha ee UASU Dr. Constantine Wasongam xubnaga golaha wadatashiga ee ka dhexeya jaamacadaha .
Barayaasha ayaa weli ku adkeysanaya inay shaqa joojinta sii wadayaan halka wasaaradda maaliyadda ay sheegtay in dowlada ay soo saartay 15 bilyan oo lagu xallinayo muranka la xiriira mushaar kordhinta.