SHARE

Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macalimiinta (KNUT) Wilson Sossion ahna xildhibaan baarlaamanka si magacaabis ah ku galay ayaa gaashaanka u daruuray baaq iyo cadaadis shalay uga yimid qaar ka mid ah xubnaha ururkaasi oo ahaa inuu xafiiska baneeyo.
Qaar ka mid ah xubnaha KNUT ayaa shalay isugu tagay xarunta dhexe ee daladdan ay ku leedahay magaaladatani Nairobi .
Waxay Mr. Sossion ku eedeyeen inuu laba xil hayo sidaa awgeedna uu ka gaabiyay inuu u ololeeyo wax ka qabashada dhibatooyinka haysta macaliminta dalka.
Barayaashan ayaa sheegay in xoghayaha uu ku mashquulay arrimaha baarlamaanka uu ka tirsanyahay oo ay doonayaan inuu iska wareejiyo xilka xoghayanimo si mas’uul kale oo sida ay hadalka u dhigeen ay ka go’antahay inuu wax u qabto uu kala wareego.
Hasa ahaate Mr. Sossion oo xalay u waramay telefishinka maxaliga ee KTN ayaa carrabka ku dhuftay in labada xi lee uu isku hayo aysan wax saameyn ah ku yeelan waxqabadkiisa.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu yahay xubin baarlamaanka ka tirsan oo loo soo magacaabay inuu ka shaqeeyo oo uu soo bandhigo dhibatooyinka la xiriira shaqada oo ay howlwadeenada kala duwan wajahayaan.
Mr. Sossion ayaa intaasi ku daray in cadaadiska ku aaddan inuu xafiiska baneeyo uu yahay mid laga leeyahay dano siyaasadeed.
Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in tani iyo markii xisbiga ODM uu baarlamaanka u soo magacaabay inuu fursad buuxda u helay arrimaha shaqaalaha.
Mr. Sossion ayaa ku adkeysanaya inuusan xilkaasi iska casili doonin ilaa iyo mudadiisa shaqo ay ka dhamaneyso 2021-ka.