SHARE

Agaasimaha waaxda dambi barista ee dalka George Kinoti ayaa sheegay in ay si weyn u baarayaan dilkii loo gaystay nin muwaadin Maraykan ah kaasi oo lagu dilay magaala madaxda dalka ee Nairobi.
Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaaba Esmond Bradley Martin kaasi oo ka mid ahaa baarayaasha ka ganacsiga sharci darada ah ee foolasha Maroodiga iyo geeska wiyisha.
Mr Bradley oo 75 sano jir ahaa ayaa meydkiisa waxaa laga helay gurigiisa oo ku yaala Nairobi waxaana la dilay bishi Febraayo ee sanadkan.
Mr Kinoti agaasimaha waaxda dambi barista ee dalka ayaa sheegay in ugu yaraan la bartilmaamedsanayo 20 qof oo lala xariirinayo dilkii loo gaysatay muwaadinkan u dhashay wadanka Maraykanka.
Sido kale Kinoti ayaa shaaca ka qaaday in kooxo loo xilsaaray baaritaanada dilka Bradley Martin.
Dhanka kale George Kinoti ayaa carabka ku dhuftay in 40 Askari tababar la siin doono si loo geeyo goobaha ku badan falal dembiyada.