SHARE

Boqolaal dab damis ah ayaa saaka la dagaallamaya dab aad u weyn oo kacay keyn ku taala magaalada Sydney ee wadanka Australia.
Ciidamada booliska ee koonfurta Wales ayaa sheegay in la baarayo sababtii keentay in dabkaasi uu kaco.
Dabkan ayaa bilawday galabnimadii sabtida waxaana lagu soo waramayaa inuusan ahayn sidi hore oo uu hadda sii bakhtinayo.
Dadka ku dhaw kenyta Sydney ayaa isaga qaxay guriyahooda iyagoo ka cabsi qabaa in uu waxyeeleeyo dabka.
Wasiirka warfaafinta ee arrimaha dibada wadanka Australia Mark Logman ayaa sheegay inaysan jirin cid ku dhimatay dhacdadaasi.