Danjiraha Maraykanka ee qaramada Midoobay oo sheegtay in ciidamada Maraykanka ay ka bixi doonin Suuriya

Nikki Haley, oo ah danjiraha Mareykanka ee u fadhiya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ciidamada Maraykanka ay wadanka Suuriya isaga baxayaan marka ay hubiyaan xaalada amaan ee Suuriya.
Haweenaydan ayaa sheegtay in u jeedada maraykanka ay tahay inay dib u soo celiyaan xasiloonida wadanka Suuriya.
Mrs Nikki Haley ayaa sido kale ka dhawaajisay in laga guulaystay kooxda lamagacbaxday khilaafada islaamka ee ISIS.
Tani ayaa imaanaysaa ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu uga digay dowladda Suuriya in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu markale weerrar ku qaado haddii ay qaaddo weerrar cusub oo kiimiko ah.
Digniinta ayaa timid kaddib markii wadammada Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ay weerrar ku bartilmaamedsanayeen saddex goobood oo ku yaal waddanka Suuriya taas oo ay kaga jawaabayeen weerrar ay dad badan ku dhinteen oo la sheegay in loo adeegsaday hubka kiimikada ah, kaas oo todobaadkii tagay lagu qaaday magaalada Douma.
Hase ahaate dowlada Suuriya ayaa diidday inay adeegsatay wax hub kiimiko ah, waxa ayna sheegtay in weerrarka ay been abuureen kooxaha fallaagada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *