SHARE

Wabiga shabeele ayaa xalay lagu soo baraarugay asagoo fatahaado ka sameeyay xaafado badan oo ka mid ah magalada Jowhar ee Xaranta gobolka shabeelada dhexe.
Dhalinyarada xaafada kulmis ee magaalada Jowhar oo iskood isku abaabulay ayaa ku guulaystay inay ka hortagaan fatahaadaasi ayadoo aan gaadhin xaafahada kale ee magaalada waxayna jawaano ciid ah ku gooyeen meelihii uu wabigu fatahaadaha ka samaynayay.
Sidoo kale waxaa arintaasi ku baxay qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolkaasi iyo ciidamada Booliiska oo ka qayb qaatay sidii aysan biyuhu u gaarin xaafado kale waxayna qaybaha bulshada,ganacsatada iyo dhalinyarada ugu baaqeen inay ka qayb qaataan xakamaynta wabiga shabeele ee magaalada Jowhar ku fatahaya.

Sanadka waxaa deegaano badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah ku fatahay wabiyada bara ee shabeele iyo juba waxayna samayn ka soo gaartaa dadka deegaanadaasi waxaana loo aaneeyaa wabiga oo ciid ay ka buuxsantay iyo biyo inuusan biyo xireeeno ku filan lahayn.