SHARE

Faraj Cumar, oo 17 jir ah kana soo jeeda ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta dalka ayaa lagu soo waramayaa in shalay laga helay xeebta Ukunda ka dib markii mudo toddobaad ah uu gurikooda ka maqnaa.
6-dii bishan April ayaa la sheegay in la afduubtay wilkan dhalinyarada ah.
Safia Mohamed oo ah Faraj hooyadiisa ayaa ciidamada booliska ku wargalisay in wiilkeeda la la’yahay.
Dadka u dooda xuquuqda muslimiinta ee Mombasa ayaa cambaareeyay kiisaska dadka la waayo ee gobolka xeebta.
Bishi Janaayo ee sanadkan ayay hayd marki hay’adda xuquuda aadanha ee Haki Africa ay sheegtay in 16 qof laga waayay gobolka xeebta ee dalka.