SHARE

Madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta ayaa waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Siyaasiga rug cadaaga ah ee Kenneth Matiba.
Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in Kenneth Matiba uu kaalin weyn ka qaatay hormarka iyo danaha dalka.
Siyaasigan rug cadaaga ah ayaa galinkii dambe ee shalay ku geeriyooday isbitaalka Karen ee magaaladatan Nairobi sida ay xaqiijisay gabadhiisa Ivy.
inta uusan dhiman Matiba waxay maxkamada u xukuntay in dowlada ay siiso 945 milyan oo shilin kadib markii ay soo baxeen qaladaad la xiriira lacagihii magdhow ahaan loo siiyay maadama uu dowlada ku eedeyay inay jir dil u geysatay.
Siyaasigan ayaa geeriyooday isagoo ay da’diisa tahay 85 sano.