SHARE

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro dalka ingiriiska halkaasi oo uu sida qorshuhu yahay ku maqnaan doono 5 maalmood.
Safarka madaxweynaha ayaa ah mid looga gol leeyahay in sara loogu qaado xiriirka ganacsi ee dalka kala dhexeya UK iyo wadamada kale ee barwaaqo sooranka ah ee loo yaqaano Commonwealth.
Waxaa uu ka mid noqonaya madax ka soo jeeda 53 wadan oo isugu tagaya magaalada London.
Mr. Kenyatta ayaa sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada dalka Manoah Esipisu diiradda saari doono in mas’uuliyiinta halkaasi isugu tagaya uu ka dhaadhiciyo in Kenya ay tahay wadan ay maalgashatada ku soo hiran karto.
Waxyaabaha hoggaamiyaha ugu sareeya ee dalka ajeendayaashiisa ka mid ah ayaa ah dibloomaasiyadda , amniga iyo in mudnaanta koobaad la siiyo hormarka gobolka.
Mr. Kenyatta ayaa wadahadal la qaadan doono boqoradda ingiriiska Elizabeth II iyo ra’iisul wasaare Theresa May.
Waxaa kulankaasi ka qeyb galaya ugu yaraan 5000 qof oo ka soo kala jeeda dowladaha , ganacsta iyo ururada rayidka.