SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Maxameed Cabdullahi Farmajo ayaa khudbad ka jeediyay kulankii 29 ee ururka jaamacadaha carabta kaasi oo ku soo gaba gaboobay wadanka Sacuudiga.
Dhammaadkii shirkan ayaa waxaa laga soo saaray Warmurtiyeed lagu soo hadal qaaday Soomaaliya oo kulankaasi uu uga qeyb galayay madaxweyne Farmaajo.
Doiwladaha Carabta ayaa isku raacay in la dardar geliyo dadaalada lagu doonayo in xal siyaasadeed lagu dhameyo xiisada ka aloolsan dalka Siiriya, waxayn si weynu cambaareeyeen hubka Kiimikada ah ee loo adeegsaday dadka rayidka.
War-murtiyeedka ayaa waxaa qeyb ka ahaa in Dowladaha carabta ay sii wadaan taageerida ay siiyaan Dowladda Soomaaliya si ay uga guuleysato ururka Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa ka hadlay horumarka Soomaaliya ay ku talaabsatay, wuxuuna Caalamka weydiistay in la fuliyo taageerada shirarka Jaamacadda Carabta loogu balan qaaday Soomaaliya.