SHARE

Waxaa maanta ¬†magaalada qaza lagu qabtay aas loo samayay 60 qof oo Falastiin ah kuwaasi oo ay shalay¬† dileen ciidamada Israa’iil .

Aaska loo samayay dadkan ayaa ku soo beegmatay iyada oo la xusayay 70 guuradii ka soo wareegtay waxa ay Falastiiniyiinta ugu yeeraan Nakba – oo ah markii ay tiradii ugu badnayd ee Falastiiniyiinta qaxaan ka dib markii la abuuray dal ay Israa’iil leedahay.

Waa dhimashadii ugu badnayd oo halkaasi ka dhacda tan iyo dagaalkii 2014.

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in milatarigiisu ay iska difaacayeen Xamaas oo jihaaddoon ah oo uu ku sheegay in ay doonayaan in ay burburiyaan Israa’iil

Rabshadahani ayaa yimid ka dib markii ay dowlada Maraykanka shalay safaaradeeda u wareejisay magaalada Qudus.