SHARE

Madaxda cadaaladda  ee wadamada xubnaha ka ah  jaaliyadda bariga Afrika  ee EAC-da ayaa doonayo inay qeyb libaax ka qaataan howlaha dalladaasi.

Waxay ku doodayaan  in fursadaasi ay u fududeyn karto   inay isku duba ridaan   arrimaha  sharciga ee gobolka   iyo xoojinta  cadaaladda iyo maamulka.

Sido kale waxay hoosta ka xariiqeen inay diyaar u yihiin  inay la yimadaan xal  dhanka sharciga ah    si meesha  looga saaro  muranada mararka qaar  soo kala dhex galo wadamada kala  duwan ee bariga Afrika.

Waxyaabaha ay  cuskanayaan waxaa ka mid ah in heshiiskii lagu soo dhisay  jaaliyadda bariga Afrika ee EAC  uu ku saleysnaa wada shaqeynta dhanka garsoorka in kastoo  aanan faahfaahin dheeraad ah laga bixin.

Arrimahan ayay  shaaca ka qaadeen  xili ay ka qeyb galeen  madal  wada tashi ah oo ka dhacday  magaaladatani Nairobi.

Madaxda  cadaaladda ee kulankaasi   ka qeyb qaatay waxaa ka mid ahaa David Maraga  oo ah hoggaamiyaha ugu sareeya dhanka garsoorka ee dalka  Ibrahim Juma dhigiisa  Tanzania, Bart Katureebe  oo ka matalayay Ugandha, Cumar Makungu , Zanzibar), Chan Madut  oo ah madaxa cadaaladda ee sudaanta koonfureed iyo Sam Rugege  oo ka yimid  Rwanda.