SHARE

Miguna Miguna oo qareen si iskiis ah ugu dhawaaqay inuu yahay taliyaha dhaqdhaqaaqa qaran ee iska cabinta oo ay dowladu mamnuucday loona yaqaano NRM ayaa bari oo Arbaca ah lagu wadaa inuu dalka dib ugu soo laabto.

Sida laga soo xigtay saraakiisha Kenya ee Xuquuqda Aadanaha (KNHRC) ayaa sheegay in  Miguna uu dalka soo gali doona 4 galabnimo.

Shalay ayay ahayd markii Guddoomiye ku xigeenka guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha ee KNCHR George Morara, uu waaxda socdaalka ee dalka ku eedeyay inay diiday in baasaboorka dalka ay ku wareejiso siyaasiga laba mar la tarxiilay ee Miguna Miguna.

Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii waaxdan Socdaalka ay Miguna kala wareegtay dokumeentigisa.