SHARE

Milkiilaha biyo xireenka Patel ee magaalada Solai ee ismaamulka Nakuru ayaa markii uguy horeysay ka hadlay dhacdadii ay ku dhinteen ugu yaraan 48 qof.
Bayaan uu soo saaray ayuu Mr. Mansukh Patel ku sheegay in roobabkii lixaadka lahaa ee ka da’ay qeybo ka mid ah dalka uu si gaar ah u saameeyay keynta Dundori ay keentay in biyo xireenkaasi uu qarka soo jabsado.
Waxaa uu guddoomiyaha Solai Group intaasi ku daray in roobabka xooggan ay keeneen carra guur jabiyay qarka biyo xireenka.
Waxaa uu walaac ka muujiyay in dad badan ay halkaasi ku dhinteen arbacadii la soo dhaafay sidaa awgeedna ka qoys ahaan ay ka tacsiyeynayaan geerida dadkii ku waxyeeloobay.